Skip to main content

Translation Assistance Sections

Somali - Soomaali

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo caymiska caafimaadka naga soo wac khadha lacag la'aanta ee 1-800-965-7476. Waan ka jawaabi doonaa ama soo celin doonaa wicitaankaaga waxaana lagugu xiri doonaa adeegga turjubaanka. Ma bixin doontid kharashka adeegyadan

Arrin cusub: Carruurta da'doodu ka yar tahay 21 sano iyo haweenka uurka leh hadda waxay u qalmi karaan MaineCare, iyada oo aan loo eegin xaaladda socdaalka.

Waxaad sidoo kale si toos ah ula xiriiri kartaa xafiiska MaineCare si aad gargaar u hesho adiga oo wacaya 855-797-4357.

Haddi aad hore u lahayd Emergency MaineCare, uma baahnid inaad buuxiso arji cusub. Waa in si toos ah laguugu beddelo MaineCare oo buuxa haddii aad ka yar tahay 21 sano ama uur, laakiin waa inaad hubisaa inaad u sheegto MaineCare wixii isbeddel ah ee ku yimaadda dakhligaaga ama qoyskaaga, oo ay ku jiraan haddii adiga ama qof qoyskaaga ka tirsan uu dhawaan uur yeeshay.

Haddii aad ku hadasho Soomaali, Carabi, ama Faransiis, waxaad la xidhiidhi kartaa Maine Access Immigrant Network si aad u hesho caawimo 207-552-1800.

MENU CLOSE